Wasiirka Ganacsiga Somaliland Oo Ka Hadlay Dhulka Free Zonka Ah Ee La Doonayo In Siiyo Shirkada Dp World Ee Dekeda Berbera Laga Kireeyay
November 9, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Dr Cumar Shucayb Maxamed, ayaa ka hadlay heshiiska Soonka Ganacsiga Xorta ah ee Berbera (Free Zone), ee ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Shirkada DP World, xilli Xukuumaddan muddo xileedkeedii uga hadhay muddo ka yar hal todobaad.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Dr Cumar Shucayb Maxamed, oo Wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyey sababta wakhtigan keentay heshiiskan ayaa yidhi “Free Zone-ku wuu jiray, horena waa loo qorsheeyey, balse mar haddii uu wakhtigan yimid, labada dhinaca ee Somaliland iyo DP World heshiiskan soo af jareen, oo ay dhammaayeen, waan soo dhaweeynayaa”.