KHILAAF SOO-KALA DHEXGALAY HOGAAMIYAHA-XIRSI IYO GUDOOMIYAHA CIRO EE XISBIGA WADANI
November 10, 2017 - Written by berberatoday berberatoday

“Xubniha Kuhadhay Xisbiga Waddani oo soo jeediyay in laga noqdo xil Guddoomiyahoodu magacaabay , Cirro ma aqbali doonaa ? ”
khilaaf xoogan ayaa ka dhex aloosmay hogaanka sare ee xisbiga Waddani gaar ahaan guddoomiyaha ahna murrashaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo hogaamiyaha xisbigaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan , khilaafkani ayaa ka bilaabmay kadib markii Xubniha Kuhadhay Xisbiga Waddani oo beesha guddoomiyaha u badani soo jeediyeen in hogaamiyaha xisbiga waddani laga hoos saaro saddex waaxyood oo kala ah abaabulka laamaha debadda , dhaqaalaha iyo ololaha doorashooyinka kaasi oo Xubniha Kuhadhay Xisbiga Waddani u arkeen inaanay wakhtigan isqaadan karin loona baahan yahay in la kala fududeeyo.
Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa soo jeedinta Xubniha Kuhadhay Xisbiga Waddani oo guddoomiye Cabdiraxmaan cirro ula yimi u arkay mid lagu daciifinayo awoodisa uu leeyahay Xisbiga waddani iyo saamayntiisa siyaasadeed ee xisbiga waxaana uu hogaamiye xirsi Cali Xaajo Xasan si toos ah ugu gacansaydhay codsiga guddoomiye Cabdiraxmaan cirro oo uu ku tilmaamay mid ka hor imanaya heshiiskiisa garabka Isbahaysiga KULMIYE iyo Xisbiga Waddani ay wada galeen. Sidaasna waxaa Qoray Shabakada BATALAALE NEWS.COM
Waan-waan iyo dhexdhexaad looga gol lahaa inay lagu heshiisiiyo Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaan guud ahaanba noqon mid lagu guulaystay kadib markii Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan uu ku qanci wayay in wax ka bedel lagu sameeyo xilkiisa , Hogaamiyaha waddani ayaa aakhirkii u isaga oo cadhaysan u dhoofay dalka Jabuuti halkaasi oo la rumaysan yahay inuu nasasho ahaan u tagay.
Geesta kalenna kulan aad u muhiim ah oo ay yeesheen xubnaha ugu awooda badan ee Xisbiga waddani oo xalay ka dhacay hotel kaah ee magaalada Hargeysa ayaa lagu go,aamiyay in uu guddoomiye cirro ka noqdo magacaabista Madaxa ololaha ee waddani oo uu u magacaabay Xamse Cabdiraxmaan Khayre kaasi oo Xubniha Kuhadhay Xisbiga Waddani soo jeediyeen in laga dhigo madaxa ololaha ee dhalinyarada iyo fidinta barnaamIj siyaasadeedka xisbiga waddani Madaxa ololaha laga dhigo nin miisaan leh .
Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan oo la filayo inuu berri dalka kusoo laabto ayaa la filayaa inuu isla berriba u ambabaxo magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa maalintii shalay magacaabay xilal dhowr ah oo qaarkood hoos iman lahaayeen hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan taasi oo la filayo inay sii kordhiso khilaafka xoogan ee u dhaxeeya guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo hogaamiye Xirsi oo hada xilkiisa lagu soo ururiyay magac uun.