Laanta Afka Somaliga Ee BBC-da Oo Dood Uqabatay Saddexda Musharax Ee Utartamaya Madaxtinimadda Somaliland Ee 2017-ka
November 10, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Laanta Af-ka Somaliga ee BBC Somali ayaa Idaacaddii shanta galabnimo ee manta oo Khamiis ah taariikhduna ay tahay 9/11/2017 u qabatay musharaxiinta saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Faysal Cali Waraabe iyo C/raxmaan Cirro ee u Tartamaya Doorashada madaxtinimada Somaliland 2017.
Doodan oo ahayd tii ugu horaysay ee nooceeda ah ee Laanta Afka Somaligu siiso Somaliland ayaa waxa daadihinayey wariye Faarax Lamaane oo ka tirsan Laantaasi, waxaanu isku soo dubariday Wariye Axmed Siciid Cige oo ah wakiilka Somaliland u fadhiya BBC-da.