berberatoday.com
War Deg Deg Ah”Deegaanka Ilcarmo Oo Weerar Dhaawacyo Fudud Sababay Lagu Gaadhsiiyay Laba Masuul Oo Kamida Gudida Ololaha Xisbiga Kulmiye
November 12, 2017 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)Mustafe Xasan Faas Iyo Cumar Aadan(Cumar Lugyar)oo kamida gudida ololaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Saaxil ayaa dhaawacyo fududi soo gaadhay kadib markii ay weerar kusoo qaadeen koox gaadhi dhayna ah wadata oo sida ay sheegeen sitay astaamaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani iyaga oo hawlo shaqo oo la xidhiidha kawar haynta goobaha cod bixinta iyo indha indhaynta deegaamada Hoose yimaada Degmada Mandheera Utagay Tuulada Ilcarmo oo katirsan degmada Mandheera ee Gobolka Saaxil

dhacdadan oo dhacday caawa fiidkii siday noo sheegeen labada masuul oo nala soo xidhiidhay waxa dhaawacyo fududi soo gaadheen Mustafe Xasan faas Iyo Cumar Aadan(Cumar Lugyar)oo budhadh lagu boobay kadib si dagdag ah uga soo cararay Tuuladaas Ilcarmo Hadana Kusugan Magaalada xarunta u ah Degmada Mandheera ee Abdaal.

Mustafe Axmed Faas oo la soo xidhiidhay Shabakada Wararka ee Berberatoday.com  isaga oo jooga Magaalada Abdaal ee Degmada Mandheera ayaa Yidhi”Abaara shantii galabnimo aniga iyo Cumar Aadan oo kamida Gudidii Ololaha xisbiga Kulmiye ee Gobolka Saaxil ayaa waxa aanu hawlo shaqo oo la Xidhiidha Bilawga Doorashada iyo Indha indhaynta Goobaha doorashadu beri ka Bilaami doonta utagnay deegaanka Ilcarmo Markaanu Magaaladu inyar ujirno ayaa waxa naga horyimi gaadhi Dhayne ah oo astaamaha Xisbiga Waddani ka Muuqdaan kadibna gadhigii ayaa nalagu horjaray waxaana ka soo dagay rag budhadh ku hubaysan oo caytamaya waxaanay nagu bilaabeen noqdo meesha Kulmiye lagama ogolee markaanu nidhi maxaa dhacay budhadhkii ayaa anaga iyo baabuurkii aanu wadanayba nalagu bilaabay kadibna waanu kasoo cararay markaanu aragnay in ragu qorshe cad ku socdaan oo khatar naftayada ku ah waxaana nala gaadhsiiyay dhaawacyo fudud oo budhadhkii nalala dhacay ka dhashay labadayadaba.

Maustafe Xasan faas ayaa fariin udiray Gudida doorashooyinka qaranka iyo Ciidamada amaanka isaga oo ugu baaqay in dhacdadaas wax laga qabto ciidamo amaanka sugana loo diro deegaanka Ilcarmo hadii kale khasaare kale ay gaadhsiinayaan dadka deegaankaas kun dhaqan ee Xisbiga Waddani aan taageersanayn.

Sidoo kale Waxa uu Mustafe Xasan faas sheegay in Deegaanka waxyeelada iyo weerarka loogu gaystay ay deegaan ahaan kasoo jeedaan Jufada hoose ee Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi(Ciro)

Mar aan weydiiyay sababta loo weeraray ayaa waxa uu masuulkani sheegay inay tahay Xisbiga Kulmiye ee ay katirsan yihiin masuuliyadana uhayaan raga soo weerarayna ay siteen Astaamaha xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Musharaxana uu kayahay Mudane Cabdiraxmaan Ciro.

Dhacdooyinka noocana ayaa maalmihii ololuhu socday laga soo sheegaayay Magaalooyinka hargeysa iyo Burco oo taageeraayasha asxaabta qaarkood facaa,il noocana ka samaynayeen magaalooyinkaa maalmaha ololaha ay xisbiyadoodu uleeyihiin waana dhaqan ugub ku ah habsami usocodka doorashooyinka somaliland hadaan si dag dag ah wax looga qabana waa arin dhibaatadeeda keeni karta.

 

Berberatoday.com 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews