berberatoday.com
Ciidammada Myanmar Oo Iska Fogeeyay Tacaddiyada Rohingya
November 14, 2017 - Written by Berbera Today
Myanmar(Berberatoday.com)-Ciidammada Myanmar ayaa sii daayay natiijada baadhitaan ay iyagu sameeyeen oo ay iskaga bariyeeleen eedaymaha rabshadaha Rohingya.
Waxay diideen in ay dileen dadka qawmiyadda Rohingya, in ay guryahooda gubeen iyo in ay kufsadeen gabdhahooda iyo dumarkooda.
Sheegashadaas ayaa liddi ku ah dhibaatadii uu indhihiisa ku soo arkay wariye BBC ka tirsan taas oo Qarammada Midoobayna ay ku tilmaantay xasuuq isir sifayn ah oo taariikhda gali doona.
Hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International ayaa sheegtay in warbixintu ay tahay isku day “lagu qarinayo wixii dhacay”.
Hay’addaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa Qarammada Midoobay ugu baaqay in gobolka loo ogolaado in ay tagaan dad xaqiiqo raadin ah.
Warbaahinta ayaa si wayn looga xanibay aagaas, laakiin safar aad loola socday oo uu weriyaha BBC-da uga soo warrama Koonfurta Aasiya, Jonathan Head uu ku tagay halkaa ayuu indhihiisa ku arkay dad Budhiste ah oo gubaya tuulooyin ay leeyihiin qawmiyadda Rohingya, iyadoo ay goobtaas taagan yihiin booliis hubaysan.
In kabadan nus milyan dad ah oo badankood Muslimiinta Rohingya ee laga tiro badan yahay ah ayaa ka cararay Myanmar oo ay aqlabiyad ka yihiin dadka Budhistaha ah tan iyo bishii Agoosto ee sannadkan.
Ka dib markii ay billawdeen hawlgal ay kaga jawaabayeen malayshiyo Rohingya ah oo weerarro ku qaaday saldhigyo booliis, dilayna qaar ka mid ah laamaha ammaanka.
Dadkaas badankood waxay gaareen Bangladesh iyagoo qaarkood ay ku yaallaan dhaawacyo ay rasaas ka mid yihiin, waxayna sheegeen in ciidammada Myanmar oo gacan siinaya dad Budhiste ah in ay gubeen tuulooyinkoodii ayna weerareen oo laayeen shacabka.
Berberatoday
COMMENTS
|