Ciidammada Myanmar Oo Iska Fogeeyay Tacaddiyada Rohingya
November 14, 2017 - Written by Berbera Today
Myanmar(Berberatoday.com)-Ciidammada Myanmar ayaa sii daayay natiijada baadhitaan ay iyagu sameeyeen oo ay iskaga bariyeeleen eedaymaha rabshadaha Rohingya.
Waxay diideen in ay dileen dadka qawmiyadda Rohingya, in ay guryahooda gubeen iyo in ay kufsadeen gabdhahooda iyo dumarkooda.
Sheegashadaas ayaa liddi ku ah dhibaatadii uu indhihiisa ku soo arkay wariye BBC ka tirsan taas oo Qarammada Midoobayna ay ku tilmaantay xasuuq isir sifayn ah oo taariikhda gali doona.