Dadka Ku Dhaqan Dalka Cumaan Oo Aad Uga Murrugoodey Qaab Fool Xun Oo Lagula Kacay AWR !
November 14, 2017 - Written by Berbera Today
Oman(Berberatoday.com)-Daryeelka iyo xannaanaynta xoolaha aynu manaafacaadsano ayaa waxay tahay arrin muhiim ah, balse dalalka Carabta ayaa waxa had iyo jeer lagu eedeeyaa dadka xoolo dhaqatada ah inay si arxan darro ku jirto ay ula dhaqmaan xoolahaasi.
Haddaba, sawirka aynu arkayno oo baraha bulshada lagu faafiyay ayaa noqday kii ugu fallanqaynta badnaa ee ay dadka ku dhaqan dalkaasi Cumaan ku qaadaa dhigaan baraha bulshada toddobaadkan.