Afganbi Ka Socdo Dalka Zimbabwi + Qaabka Ay Wax U Dhacayaan
November 15, 2017 - Written by Berbera Today
Zimbabwi(Berberatoday.com)-Dhaqdhaqaaq ciidamada xoogga ee dalka Zimbabwi ay wadaan ayaa loo maleynayaa in uu ku saleysanyahay inqilaab xukumada Madaxweyne Robert Mugabi lagu fulinayo. Uguyaraan sadex qarax ayaa ka dhacay magaala madaxda dalkaasi ee Harare aroornimadi maanta, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Dadkan oo caasimada ku sugan ayaa intaas ku darey in ay arkayeen gaadiidka ciidanka xoogga oo wadooyinka waaweyn ee caasimada wareegaya, saacdo un ka dib markii ay xaley la wareegeen warbaahinta dowlada ee ZBC. Dadweynaha ayaa sheegay in warki xaley ee 11-ka habeenimo uu baaqdey, halkiisina lagu badaley madadaalo heeso u badan.