Diyaaradda Kuwait Airline Oo Diiday In Ay Qaado Muwaadin U Dhashay Israa’iil Iyo Sababta
November 17, 2017 - Written by Berbera Today
Kuwit(Berberatoday.com)-Maxkamad ku taaalla Jermalka ayaa go’aamisay in shirkadda diyaaradaha ee Kuwait Airline ay xaq u lahayd in ay diido in aysan qaadin muwaadin Israa’iil u dhashay.
Go’aankaas ayaa ka cadhaysiiyay Ururrada Yuhuudda iyo kuwo kale oo ku ku baaqay in la cambaareeyo Yuhuud nacaybka.

Shirkadda Kuwait Airways ayaa diiday in ay qaado macmiil ka goostay tigid oo ka bixi lahaa Frankfurt isaga oo u socday Bangkok.