Tartankii Ugu Horreeyay Taariikhda Dalka Sucuudiga Ee Kubbada Oo Loo Qabtay Haweenka Dalkaasi !
November 17, 2017 - Written by Berbera Today
Jeddah(Berberatoday.com)-Siyaasadda dalka Boqortooyada Sucuudiga ayaa muddooyinkan dambe laga dareemayey isbeddal hor leh, isbedalkaasi oo saameeyay dhammaan mujtamaca dalkaasi, sidoo kale haweenka u dhashay dalkaasi ayaa helay siday sheegayaan xuquuqo kala duwan oo aanay hore u heli jirin.
Tartan kubbada kolleyga ah ayaa lagu qabtay magaalada Jeddah, gaar ahaana garoonka Al-jawhara ee magaaladaasi.