Halkan Ka Akhriso Xukuumadda Somaliland Oo Xayiraad Inaanu Dalka Ka Dhoofin Ah Kusoo Rogtay Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan Xisbiga WADDANI+Magaciisa Iyo Sababta Oo Xogo Kasoo Baxayaan
November 20, 2017 - Written by berberatoday berberatoday
Hargeysa(Berberatoday.com)-Warar xog ogaal ah oo ay helayso saxaafadu kana helayso ilo u dhuun daloola xisbiga WADDANI ayaa waxay sheegayaan in xukuumadda Somaliland ay xayiraad inaanu dalka ka dhoofi karin ah ay kusoo rogtay Dr Maxamed Yaasiin oo hore u ahaa wasiirkii dekedaha iyo khayraadka Biyaha isla markaana hadda ka tirsan hogaanka sare ee xisbiga WADDANI kana mid ah xubnaha xisbiga WADDANI ugu jira tirinta iyo hubinta codadka doorashada madaxtooyada Somaliland.
Dr Maxamed Yaasiin ayaa xogaha nasoo gaadhayaa waxay sheegayaan in dorraad madaarka Hargeysa oo uu ka dhoofi rabay lagala reebay dhamaan dugmateriyaddii uu sitay,waxaana uu u socday Dr Maxamed Yaasiin dalka Ingiriiska oo uu markii horeba kasoo kicitimay,waxaana ay masuuliyiinta madaarka Hargeysa ay ku wargeliyeen in ay tahay amarka xagga xukuumadda ah,waxaana u sheegeen in uu dib ugu laabo magaalada Hargeysa.
Dr Maxamed Yaasiin ayaa hadda jooga magaalada Hargeysa oo uu ku xaniban yahay,waxaana xogaha aan helaynaa ay noo sheegeen in sababta loo xayiray Dr Maxamed Yaasiin ay salka ku hayso Buugii komishanka Qaranka ee laguu codaynayay ee dhawaan ay soo bandhigeen saraakiisha WADDANI.