“Kursiga Nin Uun Ayaa Fadhiisanaya Waana Loogu Dhawaaqayaa Rabshad Looma Baahna Sharciguna Wuu Shaqeynayaa”Musharax Faysal Cali Waraabe
November 20, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Musharaxa xisbiga UCID Eng Faysal Cali waraabe oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa ammaanay qaabkii ay u dhacday doorashii madaxtooyada ee natiijadeeda weli la naawilaayo.
Faysal waxa uu sheegay in natiijada doorashada in la aqbalaa ay waajibtahay.
“Kursiga nin uun ayaa fadhiisanaya waana loogu dhawaaqayaa rabshad looma baahna sharciguna Wuu shaqaynayaa” ayuu yidhi
Sidoo kale waxa uu canbaareeyay rabshadihii dhawaan ka dhacay magaalooyinka Burco iyo Hargeysa isagoo eedana saaray musharaxa xisbiga waddani Cabdiraxmaan Cirro uu ku tilmaamay nin jilicsan oo aan hogaaminta dalka lagu aamini karin.