Laascaanood: Qiimaha Laydhka Oo Mar Keliya Kor U Kacay Boqolkiiba Konton Iyo Dadweynaha Oo Cabasho Xoogle Ka Muujiyey
November 20, 2017 - Written by Berbera Today
Laascaanood(Berberatoday.com)-Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ee Somaliland, ayaa Cabasho Xoogle ka muujiyey Qiimaha Laydhka oo la kordhiyey.
Shirkad Magaceedu yahay Gurmad oo Laydhka siisa Qaybo ka mid ah Magaalada Laascaanood, ayaa Farriimo ay Dadweynaha ugu dirtay Moobillada waxay ku sheegtay in Qiimaha Halka YUNIT ee Laydhka ah laga dhigay 0.8 Dollar, halkii uu hore uga ahaan jiray 0.3 Dollar.