|
berberatoday.com
Shacabka Oo Ka Wer-wersan Raajinta Komiishanka Ee Natiijada Doorashada Madaxtooyadu, Inay Fursad-siin Karto Gal-daloolooyin Uu Khilaaf Kale Ka Dhasho
November 20, 2017 - Written by Berbera Today
Burco(Berberatoday.com)-Ka dib, rabshado ka dhacay Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco oo ay ku dhinteen Saddex Ruux isla-markaana ay ku dhaawacmeen 27 Qof oo 19 Askar yihiin, markii muran ka dhashay Tirinta Codadkii Doorashada ee Gobolka Maroodi-jeex oo Xisbiga WADDANI Shaki ka muujiyey Daah-furnaantooda, ayaa waxa iska soo daba-dhacaya baaqyo nabadeed, kuwaasi oo Shacabka lagaga codsanayo inay Xamaasaddooda Xakameeyaan oo ay Nabadgalyada dhowraan.
Baaqyada Nabadeed oo ay diraan Hal-doorka Bulshada Somaliland, ayaa Dadweynaha lagaga Codsanayaa inay wax walba ka horreysiiyaan ilaalinta Amniga.
Dadka baaqyada Nabadeed diraya ayaa waxa ka mid ah Madaxda Saddexda Xisbi Qaran ee Gobolka Togdheer, kuwaasi oo Shalay si wada jir ah Shir-jaraa’id oo ay ku qabteen Magaalada Burco farriin isku mid ah u Diray Shacabka, Xisbiyada iyo Komiishanka Doorashooyinka Qaranka.
Shirka Jaraa’id ee Masuuliyiinta Xisbiyada WADDANI, UCID iyo KULMIYE ee Gobolka Togdheer oo ay wehelinayeen Ganacsato iyo Culimada Gobolkaasi, ayaa ugu horreyn ka hadlay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbul-xaakimka KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, waxaanu yidhi “Guud ahaan Gobollada Dalka, gaar ahaan Togdheer waxaanu kula dardaarmaynaa Nabadgalyadu waa Hantida Qudha ee aynu leenahay, Dhallinyarada waxaanu leenahay Nabadgalyada hala ilaaliyo. Waxaan Tacsiyadaynayaa Dadkii inagaga geeriyooday Shaqaaqadii, waxaanu leenahay ILAAHAY Naxariistii Janno haka Waraabiyo, Ehelkoodana Samir iyo iimaan haka siiyo.”
Guddoomiyihii Ololaha Doorashada Madaxtooyada Xisbiga KULMIYE u qaabilsanaa Gobolka Togdheer, oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Anigoo ah Guddoomiyihii Ololaha Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer, waxaan Shacabka ugu baaqayaa inaynu Nabadgalyada ilaashano. Nimco ballaadhan ayaynu haysanaa oo ay Nabadgalyadu ugu horreyso, waxaan ku baaqayaa in aynaan iskaga Ciyaarin..”
Madaxii Ololaha Doorashada ee Xisbiga WADDANI u qaabilsanaa Gobolka Togdheer, ayaa isaguna soo jeediyey in Nabadgalyada la ilaaliyo, farriina u diray Komiishanka Doorashooyinka Qaranka “Haddii aanu nahay Xisbiga WADDANI, waxaanu halkan ka diraynaa Saddex Farriimood, Farriinta koowaad waxay tahay in Nabadgalyada Gacanta Midig lagu hayo, Komiishanka Qaranka waxaanu markii Shanaad ugu celinaynaa in Cadaaladdu shaqayso.”ayuu yidhi.
Ugu dambayn, Xubin ku hadlayey Magaca Xisbiga UCID ayaa yidhi “Waxaanu si guud u wada leenahay Bulshada Somaliland, gaar ahaan kuwa Gobolka Togdheer wax kasta ammaanka ha laga horreysiiyo.”
Rabshadahan Dadku ku dhinteen, kuna dhaawacmeen ayaa ka dhalatay muran ka dhashay Codadkii laga dhiibtay Doorashada Madaxtooyada, gaar ahaan Gobolka Maroodi-jeex oo Xisbiga WADDANI doonayey in tirintooda dib loogu noqdo. laakiin inkasta oo Komiishanka iyo Xisbiga WADDANI doraad isku afgarteen in mar kale dib loo tiriyo Codadka Gobolka Maroodi-jeex, haddana illaa hadda waxaan War sugan ka soo bixin Komiishanka Doorashooyinka, kaasi oo ah inay Tirintii Codadkii Maroodi-jeex ee WADDANI codsaday la dhamaystiray iyo inaan la dhamaystirin, ama haddii Tirintooda la dhameeyay waxa hor-taagan in Natiijada Doorashada lagu dhawaaqo, maaddaama oo ay Isniinta Maanta ay ku eg-tahay inta Sharcigu ogol-yahay in Komiishanku Tirinta ku dhamaystiro oo uu ku dhawaaqo.
Shacabka Somaliland oo Doorashada Madaxtooyada u dareeray 13-kii Bishan November, 2017-ka, ayaa illaa Maanta oo Taariikhdu tahay 20-ka bisha November u dheg-taagaya in Komiishanku ku dhawaaqo Natiijada Doorashadan oo ay ku tartameen Musharraxiinta kala ah Muuse Biixi Cabdi oo u sharaxnaa Xisbiga KULMIYE, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ka sharaxnaa Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI iyo Faysal Cali Waraabe oo ka sharaxnaa Xisbiga UCID, halka Shacabka badhkiina ka wer-wer qabaan in Natiijada uu Komiishanku la raagay fursad-siin karto gal-daloolooyin ka soo baxa Doorashada oo keeni kara khilaaf la mid ah kii rabshaduhu ka dhasheen ee Dadku ku dhinteen.
Berberatoday.com
COMMENTS
|