Kandahar(Berberatoday.com)-Nin askari oo 25-sano jir ahaa kana tirsanaa ciidanka Boliiska dalka Afqanistan, darajadiisuna aheyd Laba Xiddigle laguna magacaabi jiray Sayed Basam Pacha, ayaa Maalintii khamiista ee Bishan Novembar aheyd 16 Sannadkan 2017-ka wuxuu Alle ka sakow badbaadiyay nolosha dad aad u badan oo ku sugnaa Hotel ku yaala Magaalada Kabul oo uu shir ka socday.
Xiddigle Sayed Pacha waxaa uu ka mid ahaa ciidan Boliis ah oo ku sugnaa Bar kantarool oo ku ag taalay Hotelka uu shirka ka socday waxaana dhacday inuu arkay nin is-miidaamiye ahaa oo ku ordayay goobta uu shirku ka socday, si uu isugu dhex qarxiyo.
Askariga ayaa ku amray is-miidaamiyaha inuu istaago ama joogsado, ka dibna markii uu ka dhaga-adeegay ee uu u orday jihadii dadku ay ku badnaayeen ayuu isna ka daba-orday oo uu isku duubay si aanu dadka u dhexgalin, intaas kaddibna labadoodii ayaa halkaas ku wada qarxay.
Dad gaaraya 18-qof oo Boliis iyo dad rayid isugu jira ayaa goobtaas ku dhintay, hase ahaatee Boliisku waxay sheegeen in tiradu intaas ka badan lahayd haddii aanu askarigaas naftiisa huri-lahayn.
Taliyaha ciidanka Boliiska Afqanistan Basir Mujahid ayaa saxaafada u sheegay in Laba Xiddigle Sayed Pacha uu yahay geesi u dhintay inuu bad baadiyo dad aan waxba galabsan oo uu naftii halige doonayey inuu isku qarxiyo.
Alle ha u naxariistee Laba Xiddigle Sayed Pacha mudo shan sano ah ayuu tababar kusoo qaatay dalka Turkiga sannad iyo bar ka hor ayuuna kusoo noqday dalkiisa hooyo ee Afqanistan si uu ugu adeego dalkiisa iyo dadkiisa.
Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.
Xigasho: Tahlil Olad Hassan