Maareeyaha Somaliland Port Authority Saciid Xasan Cabdilaahi oo Hambalyo U Diray Madaxwaynaha Cusub Ee Shacabka Somaliland Doorteen Shanta Sano Ee Soo Socda
November 22, 2017 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Masuuliyiinta Berbera Port Authority Ayaa hambalyo U Diray Shacabka Somaliland iyo Madaxwaynaha Cusub Ee Ku Guulaystay Doorashadii dalka ka Dhacday 13 Nov 2017 Mudane Muuse Biixi Cabdi
Maareeyaha Somaliland Port Authority Saciid Xasn Cabdilaahi, Maareeye Ku Xigeenkiisa Cabdi Cabdilaahi Xasan-mataan iyo Xoghayaha Guud Somaliland Port Authority Cabditaxmaan Aar Jaamac iyo Masuuliyiinta Kala Duwan Ee Dekada Berbera Ayaa Dhamaantood Waxay hambalyo U Dirayaan Madaxwaynaha Cusub ee Shacabka Somaliland Doorteen Shanta sano Ee Soo Socda Mudane Muuse Biixi Cabdi Iyaga oo sidoo kalen ilaahay uga baryay inuu Xilka culus ee loo doortayna ku asturo kuna garab gallo