berberatoday.com
Halkan Ka Akhriso Qodobada Ugu Muhiimsan Ee Sababay Guuldarrada Xisbiga Waddani Kasoo Gaadhay Doorashadii Madaxtooyada
November 24, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Salaasadii todobaadkan ayay komishanka doorashooyinku ku dhawaaqeen natiijada codbixintii 13 November ka dhacday guud ahaan dalka, waxaanay sheegeen in cod aqlabiyad ah oo kor u dhaafaya 300,000 uu ku guulaystay xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE oo 7 sano talada hore usoo hayay.
Hadaba waxaynu halkan ku eegi doonaa qodobo dhawr ah oo ka mid ah kuwa sababay in xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo loollan xoogan ku hayay xisbiga KULMIYE uu ka hooseeyo natiijadii codbixinta, isagoo farqiga labada xisbi uu noqonayay 79,000 oo ku cod.

1.Ka Takhalusiddii Jamaal Cali Xuseen iyo Murashaxnimadii Faysal Cali Waraabe
Xisbiga KULMIYE ayaa la aamisan yahay inuu ka dambeeyey khilaafkii xooganaa ee dhexmaray Jamaal Cali Xuseen oo ahaa murashixii madaxwayne ee UCID iyo Faysal Cali Waraabe, waxaana uu khilaafkaasi ugu dambayn sababay in sannadka ka hor bishan oo kale la takhaluso Jamaal Cali Xuseen, waxaana markaas kadib murashax laga dhigay Faysal Cali Waraabe.
Murankii UCID sida rasmiga ah waxaa dabada ka riixaysay xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE, ujeedkiisa ayaa lagu qeexay inuu ahaa midaynta beesha Habar Awal oo Muuse iyo Jamaal ka soo jeeda iyo sidoo kale kala jebinta beesha Garxajis oo ay Cirro iyo Faysal ka soo wada jeedaan.
Wakhtigii dagaalka qadhaadh lagula jiray Jamaal Cali Xuseen ayaanu xisbiga WADDANI waxba ka odhan, xaqiiq ahaanse maalintii la gawracay Jamaal Cali Xuseen ayaa ay guuldarrada WADDANI bilaw ahayd.
2.Khibradda siyaasadeed iyo da’ ahaaneed labada xisbi
Xisbiga KULMIYE ayaa da’ ahaan ka weyn dhigiisa WADDANI ku dhawaad 13 sano taaso keentay khibrad siyaasadeed iyo khibrad xagga da’da taasoo keentay in dhinaca ololaha aad loogu kala badiyo.
3.Siyaasadda ololaha ee beelaha
Xisbiga WADDANI ayaa xoogga saaray inuu xilal u magacaabo shaqooyina u diro dhallinyaro siyaasadda ku cusub qaarkoodna aanay illaa hadda siyaasiyiin ba noqon, halka uu xisbiga KULMIYE soo ciyaar siiyey odayaal khibrad u leh deegaanka iyo beelaha.
Dhallinyarada WADDANI u qaabilsanaa ololaha ayaa u badnaa qaar aan kala aqoon deegaanada, sidoo kalena aan saamayn wayn ku lahayn beelaha ay ka soo jeedaan, taas bedelkeeda waxaa saamayn ku yeeshay beel kasta siyaasiyiintii waaweyn ee KULMIYE u kala diray deegaanada.
Berberatoday.com
COMMENTS
|