berberatoday.com
Maxkamadda Sare Oo Toddobaad Gudihii Ku Soo Saaraysa Natiijada Rasmiga Ah Ee Doorashadii Madaxtooyada
November 26, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa Maxkamadda sare ee Dastuuriga ah ee Somaliland u gudbiyey Natiijada hor-dhaca ah ee Doorashadii Madaxtooyada ee ay ku guuleysteen Musharraxiinta Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).

Guddiga Doorashooyinka ayaa 21-kii bishan ku dhawaaqay in Doorashadii Dalka ka dhacday 13-kii bishan November, 2017-ka ay Xilka Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen ku kala guuleysteen Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan-Saylici isla-markaana 55% iyo dheeraad ka heleen Codadkii laga dhiibtay Doorashada.

Laakiin, maaddaama oo Natiijada Komiishanku ku dhawaaqay ay ahayd natiijo ku meel-gaadh ah, ayaa Guddigu waxay Maxkamadda sare Shalay u gudbiyeen Natiijadaasi, si ay Maxkamaddu ugu dhawaaqdo Natiijada Rasmiga ah ee Doorashada.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland Gar-yaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da u xaqiijiyey in Guddiga Doorashooyinku ay Shalay ahaan u soo gudbiyeen Natiijadii hor-dhaca ahayd ee ay ku dhawaaqeen, si Maxkamadduna u xallaalayso.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa sheegay inay Muddo 7 Maalmood ah ku soo saari doonaan Natiijada rasmiga ah ee Doorashada, maaddaama oo Dastuurku Muddadaa u ogol-yahay.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa 21-kii bishan ku dhawaaqay Natiijada hor-dhaca ah ee Doorashada, waxayn sheegeen in Musharraxiinta Xisbiga KULMIYE oo kala ah Xilka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Xilka Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan-Saylici ay Doorashadaa ka heleen 305,909 Cod oo u dhiganta 55.19%, Musharraxiintii Xisbiga WADDANI ayaa iyaguna Doorashada ka helay 226,092 oo u dhiganta 40.73%, halka Musharraxiintii Xisbiga UCID-na Codadkii laga dhiibtay Doorashada ka heleen 23,141 oo u dhiganta 4.17%.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews