“Reer AWDAL Waxaan Leeyahay Ninka Maanta Soo Baxay Maaha Nin Lagu Cabsi-Gelin Karo Farta Oo Loo Lulo, Oo Waa Muuse” Guddoomiye Ku-xigeenka UCID
November 26, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni), ayaa farriin u diray Shacabka Somaliland, gaar ahaan Dadweynaha reer AWDAL, waxaanu u soo jeediyey inay u midoobaan ka qayb-qaadashada Horumar uu sheegay in Madaxweynaha la doortay uu Dalka ka samaynayo Shanta Sanadood ee soo socda.
Mr. Buuni oo wuxuu sheegay in aanay jirin sabab ay Reer AWDAL u kala qaybsanaadaan, maaddaama buu yidhi uu dhammaaday Ololihii Doorashada ee ay samaynayeen Xisbiyadii ay kala taageersanayeen, sidaasi darteed loo baahan yahay inay midoobaan oo ay u diyaar-garoobaan sidii qaybtooda uga qaadan lahaayeen Horumarinta Dalka ee Shanta Sannadood ee soo socda.