Dumarkii U Codeeyay Madaxweynaha La Doortay Oo Codsanaya In Loogu Abaal-gudo Wasaarad U Gaar Ah
November 27, 2017 - Written by Berbera Today
Gabiley(Berberatoday.com)-Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley, ayaa Shalay lagu qabtay Munaasibad Taageerayaasha Xisbiga KULMIYE ugu dabbaal-degeen guushii uu Xisbigaasi ka soo hooyey Doorashadii Madaxtooyada ee Dalka ka dhacday Badhtamihii bishan November isla-markaana Madaxweynaha loogu doortay Muuse Biixi Cabdi.
Munaasibaddan Dabbaal-degga ah oo ay ka qayb-galeen Maamulka Gobolka, ka degmada Gabiley iyo Taageerayaal u badnaa Haween, ayaa waxa la soo jeediyey khudbado lagu amaanayo taageerayaashii Xisbiga ee Guud ahaan Dalka ee Codkooda siiyey Musharraxiintii Xisbiga ee kala ahaa Muuse Biixi Cabdi oo ku guuleystay Madaxweyne-nimada Somaliland iyo Cabdiraxmaan-Saylici oo Madaxweyne ku-xigeenka loo doortay.