Baadari Francis Ah Oo Booqasho Taxadar Ubaahan Ku Tagaya Dalka Myanmar
November 28, 2017 - Written by Berbera Today
Paris(Berberatoday.com)-Baadariga ugu sarreeya mad-habta Kaatoligga ayaa booqashadiisii ugu horraysay ee baadarinimo ku tagay Myanmar oo ah dal si wayn loogu eedeeyay isir sifay sannadkan.
Waxay diiraddu saaran tahay in uu adeegsan doono erayga “Rohingya” si uu ugu tilmaamo Muslimiinta laga tirada badan yahay ee dalkaas.
Masuuliyiinta Myanmar ayaa si wayn uga soo horjeeda adeegsiga eraygaas, iyaga oo walaac ka muujiyay in ay rabshado ka dhalan karaan haddii uu eraygaas adeegsado.
Waxaa lagu wadaa in uu la kulmo hogaamiyaha Myanmar Aung San Suu Kyi iyo madaxa milatariga
Pope ayaa intaas ka dibna booqan doona Bangladesh wuxuuna la kulmi doonaa koox yar oo ka mid ah qaxootiga Rohingya si uu u muujiyo dareenkiisa. 80 jirkan ayaa ku caan baxay aragtidiisa dhexdhexaadnimada ah iyo cambaaraynta caddaalad darrada caalamka.
In kabadan 600,000 oo ruux ayaa u qaxay dalka Bangladesh tan iyo bishii Agoosto, markaas oo saldhigyo booliis oo la weeraray ay horseedeen hawlgallo ay milatarigu ka fuliyeen gobolka Rakhine ka dhacay.
Baadariga ayaa adeegsaday erayga ah “Ragga iyo dumarka aan walaalaha nahay ee Rohingya” markii uu cambaaraynayay dhibaatadaas.