“Doorashada Aynu Maanta Qabsanay Waa Doorashadii Aqoonsiga Somaliland Soo Dedejin Lahayd” … Wasiir Axmed Xaaji Cadami
November 28, 2017 - Written by Berbera Today
Hargaysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Xaaji Cali Cadami iyo Wasiir ku-xigeenka Xidhiidhka Goleyaasha,Mustafe Maxamuud Cali, ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka la doortay Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil iyo murashiriintii tartanka la galay ee ay ka guulaysteen ee aqbalay natiijada hordhaca ah ee doorashadii Madaxtooyada iyo guud ahaan bulshada reer Somaliland ee sida wanaagsan ee niyad samida iyo dal jacaylka ah uga qayb qaadatay codayntii doorashada iyo ciidamada kala duwan ee Somaliland ee suuragaliyay in dal nabad ah oo kalsooni ammaan haysta in ay ahaato Somaliland.