Ujeeddada Loo Soo Celinayo GOOL La Socotay AAR Uu Cali Warran-cadde Siiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti
November 28, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Libaaxyada ku nool Beerta Libaaxyada ee Cali Maxamed Warran-cadde ee Magaalada Hargeysa, ayaa la doonayaa inay tarmaan, si tiradoodu u korodho.
Beerta Cali Maxamed Warran-cadde ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa lagu hayaa 7 Libaax oo Lix ka mid ahi yihiin Aar iyo Hal Gool, laakiin Maamulka Beertaasi oo ah Cabdiqani Cali Warran-cadde, ayaa sheegay inay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle dib uga soo celiyaan mid ka mid ah Laba Libaax oo Cali Maxamed Warran-cadde uu hore Hadyad ahaan u siiyey, taasi oo ah Gool, si ay markaa u tarmaan Libaaxyada lagu dhaqo Beerta Libaaxyada Hargeysa.