berberatoday.com
Zimbabwe: Lacag Loo ballan-qaaday Mugabe Intaanu Xilka Ka Degin Iyo Mushaharka Uu Qaadan Jiray Oo Aan Laga Jareyn
November 29, 2017 - Written by Berbera Today

Harare(Berberatoday.com)-Waxa soo baxaya xog dheeraad ah oo laga helayo ballan-qaadka loo sameeyey Madaxweynaha xilka ka degay ee dalka Zimbabwe Robert Mugabe iyo Qoyskiisa.

MugabbeMugabe oo soo xukumayey dalka Zimbabwe 37dii sano ee lasoo dhaafay ayaa toddobaadkii tagay xilka iskaga degay, kadib markii uu caddaadis kala kulmay Millatariga iyo Xisbigiisa. Balse Mugabe ayaa la sheegay inuu xilka ka degay markii loo sameeyey ballan-qaad Lacageed.

Xogta laga helayo saraakiisha millatariga ee wada-hadalka kula jiray hoggaamiyahaasi ayaa sheegaya in loo ballan-qaaday Mugabe lacag dhan 10 milyan oo dollar inuu xilka isaga dego. Lacagtiisii oo 5 milyan loo hor-mariyey.

Waxa taasi u sii dheer, dowladda ayaa bixin doonta Mushaharkiisa oo gaadhaya $150.000 dollar bishii, illaa inta uu ka dhimanayo. Waxay sidoo kale dowlada bixin doontaa adeeggiisa caafimaadka iyo safarkiisa dibada.

Wuxuu Mugabe sii degenaan doonaa guriga uu hadda deggen yahay, waxaana loo ogolaaday inuu sii haysto dhammaan hantidii uu hore uga helay dowladda oo ay ku jiraan guryo badan.

Millatariga ayaa sidoo kale u ballan-qaaday Mugabe inuu haysan doono illaaladiisa khaaska ah.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews