Akhriso Mid Ka Mida Caqabadaha Culus Ee Horyaalla Madaxweynaha La Doortay Iyo Raggii Xisbiga Kula Soo Surmiyay Oo Intooda Badani Quuddaraynayaan Xilal Sare Oo Uu Ku Taxo
November 30, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Caqabadaha Culus ee illaa hadda Dibada u soo baxay ee horyaala Madaxweynaha Cusub ee la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa ka mid ah in inta badan Hogaanka Xisbiga Kulmiye ee uu Mudada dheer soo hogaaminayay ay u hanqal taagayaan in lagu daro Xukuumadda Cusub ee uu soo dhisayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,iyadoo ay Bulshada Somaliland si weyn ugu dheg taagayso nooca ay noqonayso Xukuumaddani iyo sida uu u maareeyo Arimahani ee uu ugu sad qaybiyo Dhamaan Bulshada Somaliland.
