Madaxweyne Muuse Biixi Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadley Nooca Ay Noqon Doonta Xukuumada Uu Soo Dhisi Doono Waado Warbixin Muuqaal Ah
November 30, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa shaaca ka qaaday inuu suulin doono musuqmaasuqa dalka ka jira isla markaana uu soo celin doono kalsoonida shacabka.
Madaxweyne Muuse Biixi, waxa uu sheegay inuu Golaha Wasiirrada ee uu magacaabayo ku xulan doono aqoon,waayo-aragnimo iyo karti.
Madaxweynaha la doortay wuxuu sidaas ku sheegay maqaal dheer oo uu Salaasadii ku qoray Wargeyska caanka ah ee Financial Times, waxaana qormadan ciwaan looga dhigay “Caqabadaha Somaliland ay waajahaysaa maaha dhalanteed.”