Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Doorashadii Somaliland Sheegtayna In Ay Diyaar U Tahay Taageerada Wada Hadalada Hargeysa Iyo Muqdisho
November 30, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(IBerberatoday.com)-Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM ayaa sheegtay inay diyaar u tahay
inay taageero ka gaysato dib u bilaabista wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, ka dib doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland loo doortay Muuse Biixi Cabdi.
Warsaxaafadeed uu xafiiska UNSOM ee Qaramada Midoobay soo saaray shalay, wuxuu ku sheegay inuu shacabka Somaliland iyo madaxweynaha la doortay ku bogaadinayo doorashada wanaagsan ee ka qabsoontay Somaliland. Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidan “Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa ugu hambalyeysay Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka tirsan Xisbiga Nabadda, Midnimada iyo Horumarka (KULMIYE) doorashadii loogu doortay Madaxweynaha “Somaliland” taas oo shalay ay xaqiijisay Maxkamadda Sare ee “Somaliland”.