Algeria: Tuullo Dadka Ku Nool Indho La’yihiin Oo Jiil Ba Ka Jiil Ka Dhaxlo Indho La’aanta !
December 2, 2017 - Written by Berbera Today
Algeris(Berberatoday.com)-Indhuhu waa laxaad aad u muhiim oo Ilaahay SWT inagu mannaystay oo ay habboon tahay in aynu Ilaahay ugu mahadnaqno.
Dalka Algeria ayaa waxa ku taalla Tuulo dadka ku nool badankoodu ay indho la’yihiin, tuuladan ayaa waxay u dhexaysaa labada magaalo ee Dismiselt iyo magaalada Cayn Al-diflaa.
Tuuladan ayaa magaceeda la yidhaahdaa Qahwat Al-riix waxaanay dad badani u yaqaanaan tuulada indhoolayaasha waxaana ku nool 100 qof, waxaa la sheegay in 70% ay yihiin kuwa indhoolayaal ah, arrinta aadka u layaabka badan ayaa waxay tahay in dadkaasi indhoolayaasha ahi ay jiil ka jiil soo kala dhaxleen indha la’aantaasi.