Khataraha qarsoon ee qof-walba ku maqan ee ay Leeyihiin Taawarrada Telefonada & Mobilada Gacanta.Qalinkii A/rahman fidhile
December 2, 2017 - Written by Berbera Today

20- kii sanadood ee aynu soo dhaafney ayaa caalamka Waxaa aad loogu riyaaqay markii uu Telefoonkii xadhiga dheeraa uu isu bedelay ee uu noqdey nin aad Saaxiib-tihiin oo mar walba iyo meel-walba oo aad joogto kula socda oo marmarka qaarkood ku- maaweeliya oo Jeeb-kaagana mar mar ku luma inta uu yaraan ka qabo kaas oo loo bixiyey magacyo badane -model badane ( Mobile Phone ).
Hadaba waxaa la isku raacey dhamaan aduunka in Telefonka Mobilku uu qofka sita u-geysankaro dhibaatooyin aad u-badan oo aanu qofku dareemeyn laakiin ku-maqan oo mar-uun ku soo bixi kara. Gaar ahaan xanuunda laga qaado shucaaca ka dhasha Mobilka marka uu qofku aad ugu hadlo ee uu ku-kululaado ama marka qofku isaga oo ka ag dhow agagaarka Tawarrada dhaa-dheer uu Mobilku u soo dhaco ee uu qabto halkaas oo Taawarka u-dhawi isla marka uu qofku qabto mobilka uu dareemayo quwad xoog ah oo aanu dareemi jirin marka uu Taawarka ka fog-yahay taas oo ah khatar dhibaato qofka u-geysaneysa Caafimaadkiisa, gaar ahaan waxaa la isku raacey in mobilada tayada xun sida kuwa China laga keeno oo iyagu badanaa ah bilaa lingax aan (Safety check) soo marin ay iyagu ugu khatar badan yihiin,waxaana ka mid aha xanuunada laga qaado kansarka Maskaxda, waxay waxyeelo badan Gaadhsiiyaan xubnaha taranka,Wadnaha,waxaana ay dad badani ka qaadeen Xanuunka ilowshiiyaha gaar -ahaan dadka waayeelka ah.
Waxaa kale oo isla Xanuunkaa laga qaadaa aalada tebiyaha ah ee degta la gashado (Bluetooth) gaar- ahaan marka uu qofku Gaadhiga wado uu gashado oo iyagana qaar badan oo ka mid ahi siiba kuwa wadanka China laga keenaa oo ay badanaa tayadoodu aad u hooseyso kuwaas oo markii qalabka bad-baadada ama (safety Check) lagu cabirey khatartooda la ogaadey in ay shucaac badan oo aan la arkeyn ay bixiyaan oo qofka sita ay madaxiisa u-gudbinayaan taas oo caafimaadka qofka wax yeeleysa. waxaa iyana la isku raacey in Betteriga mobilka qudhiisu marka uu yahay mid tayo xun oo kuleylka qoraxda ku naaxa in uu isna khatartiisa leeyahay oo ay Sun khatar ahina ay gudaha ugu jirto taas oo uu hadii uu qarxo inta uu kululaado ama ay caruuri ku ciyaarto oo kala jebiso aad u khatar ah oo dhamaan wax yeelayn kara wixii nool ee u-dhawaada oo dhan.
Taawarada dhaa-dheer iyo kuwa gaa-gaaban ee powerka u soo qabta telefoonada 3G iyo 4G ayaa iyaguna noolaha u-leh Khatar badan oo wax-yeelaysa. Taawarradda telefoonada waxay u-qeybsama laba nooc oo kala ah kuwo wax dira iyo kuwa wax-qabta waxaana aad u khatar badan kuwa wax dira oo xawaaraha badan ee ay dirista u isticmaalayaan ay u-baahan tahay awood badan (power) kaas oo waxyeelo badan wata. Waxaa dhawaan booqdey Suuq ka mid ah Suuqyada ay dadweynuhu ka alaabeystaan ee loo yaqaan (Suuqa Gobanimo ee Magaalada Hargeysa ) Khabiir isagu ku takhasusey Khataraha ay leeyihiin Tawarrada Telefoonada, Khabiirkaasi markii uu cabirkiisa saarey khatarahaa ay ku sugan yihiin dadweynaha suuqaasi wax-ku kala iibsanaayey waxaa uu indhiihsa ku arkey iyada oo dad badani ay mobilo ku wada hadlaayeen hadana hoos maraayeen ama aanay kaba fogeyn Taawarrada dhaa-dheer in ay dadkaasi ku sugan yihiin khatar aad u badan oo aaney iyagu arkeyn laakiin uu isagu Aaladiisa casriga ah uu kala socdey arkaayeyna in dadkaasi Khatar xun ku sugnaayeen oo shucaac badani dhegta qofku ku hayo mobilka uu u gudbaayey.
Waxaana uu cadeeyey khabiirku in hadii aanad ka fogaan Taawaraka Telefoonaka inta u-dhaxeysa 150 ilaa 250 mitir in ay waxyeelo badan oo aanad arkeynin ku soo gaadheyso, gaar ahaan marka Telefoon uu kugu soo dhaco adiga oo u-dhaw ama ku sugan aga-gaarka Taawarada dhaa-dheer oo iyagu mar kasta diraaya signalka ama helaaya signalka. Waxaa uu khabiirku uu aad ula yaabey markii uu weydiiyey Shirkad ka mid ah Shirkadaha is-gaadhsiinta ee Somaliland ugu waaweyn in ay haystaa Aalada gacanta lagu qaato ee lagu cabiro Khataraha ay leeyihiin Taawarrada dhaa-dheer ee Signalka telefoonadu ku soo dhacaan ama iyagu diraba, Aaladaas oo sheegta ama qiyaasta fogaanshaha ay dadka iyo dhamaan waxa nool oo dhan ay wax ka yeeli karaan Tawaradaasi. waxaaney ugu Jawaabeen Khabiirka oo ay u-sheegeen in aaney Haysan Aaladaas.
“Waxaana uu yidhi khabiirku waa nasiib-daro in dadkii mac-miisha idiin ahaa aad shucaac iyo signal aan la iska arkeyn aa ku leynaysaan oo aanu xilba idinka saareyn Caafimaadkooda dadkaa aad lacagta uun ka guranaysaan” Waxaa aad u muhiim ah ayuu yidhi khabiirku in laga fogaado Taawarada Dhaadheer gaar ahaan marka Mobilada lagu hadlaayo..
Walaal Murjin-kaagu – yuu noqon Malag-dila Walaalkaa! !
Alleh ayaa Mahad Leh iyo Mudnaanba Leh
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom