Madaxweynaha Xilka Ka Sii Dagaya Axmed Siilanyo Oo Dalacsiiyey Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland+Daawo Sawiro
December 3, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Xilka ka sii dagaya ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa
taliyaha Guud ee Ciidamada Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan dallacsiiyay, Taliyaha oo hore u ahaa sarreeye guuto ayaa haatan laga dhigay Darajada Sarreeye Gaas.
Sarreeye Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan oo Muddo soo hoggaaminayay ciidamada booliska ayaa la rumaysan yahay in uu shaqo wanaaggiisa ku mutaystay dallacsiinta la gaadhsiiyay darajada u saraysa ee Ciidamada Somaliland.
