Wararkii Ugu Danbeeyey Ku Dhawaad 100 Tahriibe Oo Reer Somaliland U Badan Oo La Layahay Meel Ay Ku Danbeyeen Iyo Ciidamo Military Ah Oo Xoog Kula Wareegay
December 3, 2017 - Written by Berbera Today
Libya(Berberatoday.com)-Tahriibayaal 100 Qof ku dhaw isla markaana reer Somaliland u Badan ayaa la layahay meel ay ku danbeeyeen , wararka soo baxaya waxaa ay sheegayaan in dhalinyaro Somali ah isla markaana u badan reer Somaliland oo tahriibayaal ah ay 19-kii bish November iyaga oo maraya saxaraha u dhaxeeya Liibya iyo Suudan ay gacanta ku dhigeen Militery-ga dalka Liibya , Kuwaas oo muddo 11 cisho ah la layahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen .
Dhalinyaradan oo rag magafayaal ahi ka kaxeeyeen dalka Suudan ayaa la sheegay in Ciidamo ka tirsan Militery-ga dalka Liibya in ay gacanta ku dhigeen , ka dib markii ay qabteen iyaga oo maraya saxaraha gaar ahaan dhinaca xuduuda dalka Libya .