Cabdiraxmaan Ciro Oo Safar Uu Kaga Muquuranayo Ka Qeyb Galka Xaflada Caleema Saarka Madaxweynaha Shacabka Somaliland Doorteen Ugu Baxay Dalka Debediisa
December 4, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Murrashaxii Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ee doorashada lagaga guulaystay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa tan iyo intii lagu dhawaaqay natiijadii doorashadii madaxtooyada Somaliland ee dalka ka qabsoontay 13-kii Bishii Nofeember ee dhamaatay kadib waxa uu safar ugu baxay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.
Murrashaxx Cabdiraxmaan Cirro ayaa baxay Doraad,ujeedada socdaalkiisana wax war ah kamay soo saarin xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI,balse xogoha aan helayno ayaa tibaaxaya in safarka Murrashax Cirro uu yahay mid Shakhsi ah isla markaana ay ku waheliyaan qoyskiisu.