Fariin Caafimaad”Ka Ilaali Caafimaadka Kalyahaaga 9kan Waxyaabood Oo Keeni Kara Kalyo Xanuun
December 4, 2017 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Kalyahu waxa ay caafimaadka jidhkeena ka qaataan qayb libaax. Shaqooyinkoodana waxa kamid ah; samaynta hoormoneska, shaandhaynta dhiiga laga shaandhaynayo qashinka, macdanta oo dhiiga la kala baxayo, soo saarista kaadida, tirtirista suntan dhiiga soo raacda, iyo qaar kalo badan.
Hoos u dhac ku imaada shaqada kelyuhu qabtaan badana si fudud looma dareenmo sababtoo ah 20% kelyahaaga ayaa hawshoo jidhkaago dhan qaban kara. Waxay ka dhigantahay hadu kalyahaagu dhaawac ku imaado oo 20% kaliya ka shaqaynayo kelyahaaga hawsha jidhkaaga wu ku filnaan karaa. Markaa aad bay muhim u tahay inaad hada ka bilaabdid ilaalinta kelyahaaga si aanay dhib wayn mustaqbalka kaaga iman.