Haweenka Sucuudiga Oo Markii Ugu Horreysay Loo Furay Akadeemiga Bandhiga Quruxda !
December 4, 2017 - Written by Berbera Today
Jeddah(Berberatoday.com)-Muddooyinkii hore waxa lagu eedayn jiray boqortooyada ka talisa dalka Sucuudiga inay caddaadis ku hayso haweenka dalkaasi, haatan se waxa ka bilaabmay dalkaasi arrimo badan oo aan hore uga dhicin oo ay ka mid yihiin akadeemiyad loogu tala galay haweenka dalkaasi.
Akadeemiyadan ayaa loogu tala galay hawlaha la xidhiidha bandhiga qurruxda iyo tabbabarka Haweenka dalkaasi ee ah qaabka ay u adeegsan karaan waxyaabaha ay haweenku isku qurxiyaan, Akadeemiyadan ayaa waxay leedahay Masrax loogu tala galay bandhigyada moodeelada cusub ee dharka haweenka, taasi oo dalka Sucuudiga hore xaaraan ugu ahayd. Sidoo kalena, akadeemiyadan ayaa waxay noqotay tii koowaad ee caalami ah ee nooceeda oo kale ah ee laga furo dalkaasi.