Waddooyinka Magaalada Muqdisho Oo Maalintii Labaad Xidhan Iyo Ammaanka Oo Si Aad Loo Akdeeyay Iyo Sababta Kaliftey
December 5, 2017 - Written by Berbera Today
Moqdisho(Berberatoday.com)-Inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa maalintii labaad ah mid xidhan, iyadoo feejignaan sare la geliyay Ciidamada ammaanka oo saaka lagu arkayo waddooyin dhowr ah oo isku xira xaafadaha Muqdisho.
Wadada Maka Al-mukarama ayaa ka xidhan dhowr meel oo ay ciidamada ku sugan yihiin, waxaana dadka wadadaas isticmaalayay ay ahaayeen kuwo lugtooda maalayay.
