Madaxweynaha La Doortay Ee Somaliland Oo Guddi U Magacaabay Xil-wareejinta xilliga kala-guurka ah
Madaxweynaha La Doortay Ee Somaliland Oo Guddi U Magacaabay Xil-wareejinta xilliga kala-guurka ah
Hargeysa(Berberatoday.com)-Kadib markii aan la tashaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Kadib markaan xaqiiqsaday muhiimadda xilliga kala-guurka ah; waxa aan u magacaabay xubnaha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin in ay noqdaan Guddida Xil-wareejinta xilliga Kala-guurka ah. Xubnaha Guddidu waxa ay kala yihiin:
1. Dr. Sacad Cali Shire – Guddoomiye
2. Maxamed Kaahin Axmed – Xubin
3. Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon – Xubin
4. Maxamuud Xaashi Cabdi – Xubin
5. Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare – Xubin
6. Prof. Axmed Ismaaciil Samatar – Xubin
7. Eng. Xuseen Ibraahim Xasan Buuni– Xubin
8. Eng. Ibraahim Daahir Dubad – Xubin
9. Yuusuf Maxamed Cabdi – Xubin
Masuuliyadda Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurku waa diyaarinta iyo hagista dhammaan hawlaha xil-wareejinta xilliga kala-guurka ah iyo goobta xil-wareejinta. Muddada xilka Guddidu waxa uu ku kooban yahay ilaa maalinta xil-wareejinta.
ALLAA MAHAD LEH