Madaxweynaha cusub ee Somaliland Muuse Biixi, waxa looga fadhiyaa inuu dhayo dhaawacyadii ka dhashay ololihii iyo xanaftii doorashada ka dambaysay.W/Q Maxamed Amin Jibriil
December 7, 2017 - Written by Berbera Today
“Maanta waxaynu seeska u dhigeynaa dawlad dimuqraadi ah oo nin kasta oo la soo doortaa marka ay muddadu ka dhamaato xilka Wareejiyo” Sidaa waxa yidhi, Alle ha u naxariistee, Madaxweynaheenii u horeeyey ee Somaliland C/Raxmaan Axmed Cali (Tuur) markii uu xilka Wareejinayay.
Ereyadani waxay muujinayaan sida Allaha u naxariistee Marxuumku u jeclaa inay dadkiisu wada jiraan, isla markaana doorashada ka dib ay u noqdaan dad wada walaalo ah.
Madaxweyne Cigaal, Allaha ha u naxariistee, ayaa isna laga hayaa “Labada dhinac ee dagaalku dhexmarayo, labaduba anigaa u madaxweyne ah, wax kasta oo ay ku kacayso in la nabadeeyana waan samaynayaa”.
Sidoo kale, Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ayaa laga hayaa “Dal iyo Dad Mid ah ayaan kugu wareejiyey ee isku hay”.
Madaxweyne Silaanyo ayaa isna yidhi sannadkii 1997-kii “Aniga iyo Madaxweyne Cigaal noqon mayno sida Caydiid iyo Cali Mahdi” markii uu ka baxay shirkii Beer.
Sidoo kale, C/Raxmaan Maxamed C/laahi ayaa isna laga hayaa “Dalkaygu damacayga u burburi maayo, balse danta dalkayga awgeed ayaanu u tanaasulayaa”.
Madaxweynaha cusub ee Somaliland Muuse Biixi, waxa looga fadhiyaa inuu dhayo dhaawacyadii ka dhashay ololihii iyo xanaftii doorashada ka dambaysay. Isla markaana uu jawi midnimo qaran ah beero. Isla markaana taageerayaasha xisbiga Wadani oo ah 40% bulshada Somaliland inuu si deg deg ah u waajaho.