Hargeysa(Berberatoday.com)-Warar hoose oo ay helayaan warbaahinta Madax banaan ee Somaliland ayaa sheegay in Marwada Madaxweynaha xilka kasii Dagaya ee Axmed Siilaanyo Marwo Aamina Waris ay madaxweynaha la doortay ee Muuse Biixi ka dalbatay inuu wasiir ka dhigo wiilka inanteeda qaba ee Baashe Morgan isla markaana wakiilnimadii Imaaraatka ee uu hayeyna lagu badalo Xogahiyhii Gaarka ahaa ee Madaxweyne Siilanyo Cali Hindi hase yeeshee waxa ilo xogogaal sheegeen in Muuse Biixi uu ku gacan saydhay codsigii Aamina Waris iyadoo uu Baashe Morgan cadho kaga dhoofay Hargeysa 3 maalmood ka hor una baxay Abu-Dhabi iyo dalka isutaga imiraatka Carabta.
warar kaloo iyagana aan la xaqijiin ayaa sheegaya in Marwada madaxweyne Siilanyo dalab ka horeeyay oo ay ugudbisay Madaxweynaha shacabka somaliland doorteen ee Muuse Biixi Cabdi kaga codsatay in Wasiir awood badan laga dhigo Wiilka ay dhashay ee Lagu Magacaabo Kulmiye Axmed Siilanyo oo dalka debediisa ku nool hase yeeshee Madaxweynaha la doortay ayaan jawaan ka bixinin codsiga Marwada Madaxweyne Siilanyo.
Dhinaca kale waxa soo ifbaxaya warar sheegaya inay jiraan lacago farabadan oo mucaawimo ah oo dawladda Imaaraadku u soo dhiibtay oo uu Baashe Morgan lunsaday oo masuuliintii Imaaraaku ay hadda ogaadeen in mucaawimooyin kaasi aanay Somaliland soo gaadhin oo uu Baashe ku tagrifalay kuna shubtay Sanduuq xisaabeedyo ugaara oo uga furan banaanka Somalida ee dalka Imiraatka carabta kuyaala waxaana la sheegaya in daba gal ay kuhayaan dawalada isutaga Imiraatka carabta banaanka uu Baashe Morgan Lagacahaas ku shubtay lagana yaabo in laga soo celiyo.
Madaxweynaha la doortay ayaan ilaa Hada la Ogayn Golaha Wasiirada iyo Xukumada uu soo dhisi doono iyada oo qofkasta oo dalab mansab iyo talo la xidhiidha dhismaha xukumadiisa ula tagana dhagaysta oo aan waxz jawaaba oo haa iyo maya toona aan siinin ilaa hadana waa la akhriyi kari layahay qorshaha Madaxweyne Muuse Biixi iyo nooca ay noqon doonto Xukumada uu soo dhisi doonaa waxaanad moodaa inay u xafidan tahay sirtiisu.