Bidaarta Iyo Cirradu Haddii Ay Afartan Jirka Ka Soo Horreeyaan Caafimaad Darro Ayaa Ay Astaan U Noqon Karaan
December 9, 2017 - Written by Berbera Today

Delhi(Berberatoday.com)-Cilmibaadhis ay dhowaan sameeyeen dhakhaatiir reer Yurub ah ayaa daahfurtay in ragga ay bidaarta iyo cirradu ku timaaddo 40 jirku ay u badan tahay in uu wadne xanuun mustaqbalka ku dhaco.
Kulan ay dhakhaatiirta caafimaadka wadnaha ee adduunku ku yeesheen magaalada Kalkata ee dalka Hindiya ayaa ay ka hadleen dhakhaatiirta cilmibaadhistan sameeyey, iyaga oo ugu horreyn sheegaya sababta ku kalliftay daraasadanna waxaa hadalladooda ka mid ahaa, “Intii aanu cilmibaadhisihii hore wadnay waxa aanu dareennay in uu jiro xidhiidh ka dhexeeya bidaarka, cirrada iyo wadne xanuunka, taas ayaana keentay in aanu dhowaan samaynay daraasad aanu arrintaas ku eegayno” Waxa ay intaas ku dareen in si ay u hubiyaan natiijo sax ahi inay u soo baxdo ay tijaabooyin kala duwan ku sameeyeen dad wadne xanuun leh iyo kuwo caafimaad qaba, iyaga oo samaynaya shaybaadho dhiig iyo hubinta xaaladdooda jidheed, natiijada u soo baxdayna waxa ay ku sheegeen sidan, “Tijaabadaas iyo shaybaadhisahaas kala duwan kadib waxaa dhakhaatiirta u soo baxday in qiyaas ah boqolkiiba 27 dadka wadne xanuunka lihi ay xanuunka ka hor intii aanay 40 jir gaadhin isku arkeen bidaarta, halka boqolkiiba 30 ka mid ah dadka wadne xanuunka qabaa ay cirro yaraan ku yeesheen”