“Madaxweynuhu Waa Nin Wada Tashi Ogol, Isagoo Aan Xilkii Wali La Wareegin Ayuu Noo Yeedhay”Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir
December 9, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir ayaa Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay inuu cadaalada ilaaliyo, waxaanu tilmaamay inuu Madaxweynuhu yahay Madaxweyne wada tashi ogol, isagoo ku booriyey inuu umadda wax u qabto.

Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ku taliyey Xukuumad kooban oo tayo wacan leh, waxaanu ugu horeyn yidhi “Madaxweynaha waxaan leeyahay cadaalada ha ilaaliyo, Madaxweynaha kii doortay iyo kii aan dooranba waa u Madaxweyne, waxaana umadda kula talinayaa in Madaxweynaha la soo dhaweeyo, Madaxweynuhu waa Madaxweyne wada tashi ogol, isagoo aan xilkii wali la wareegin buu noo yeedhay, isagoo xilka la wareegana waxaanu ka filaynaa inuu halkaas ka sii kordhiyo’.