Dhacdooyinka Dunida”Nin Afrikaan Ah Oo Sannadkii 3aad Loo Caleemo Saaray Taashka Foolxumada Dalkiisa Kana Qayb Galaya Tartanka Foolxumada Adduunka
December 11, 2017 - Written by Berbera Today
Harare(Berberatoday.com)-William Masvinu oo u dhashay Waddanka Zimbabwe aadna looga yaqaanno qaaradda Afrika iyo guud ahaan caalamka ayaa markii saddexaad waxa loo caleemo saaray boqorka foolxumada ee dalkiisa sannadka 2017 isaga oo ka qayb galay tartanka sannad walba dalkaasi lagu qabto ee foolxumada oo uu kaalinta koowaad ku soo baxay sidaana uu kaga qayb gali doono sannadka dambe ee 2018 tartanka foolxumada adduunka oo lagu qaban doono waddanka Koonfur Afrika.
William Masvinu oo 37-jir ah, ahna nin ku shaqaysta gaadhi dameerkiisa kuna nool magaalada Harare ee caasimadda Zimbabwe ayaa waxa uu ku guulaystay abaal marinta xiddiga foolxumada ee sannadka 2017 kadib markii sannadkii hore hal cod lagaga badiyey tartankaasi oo uu kaalinta labaad ka galay balse uu hore ugu soo guulaystay saddex jeer oo hore ayaa imika isku diyaarinaya in uu ka qayb galo tartanka caalamiga ah ee foolxumada adduunka oo lagu qaban doono sannadka dambe Magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika. Waxaana sannadkan tartankan isugu soo hadhay isaga iyo laba nin oo kale oo kala ah: Musekiwa iyo Sere.
William Masvinu oo warbaahinta la hadlay markii tartanka loo caleemo saaray ee uu ku guulaystay ayaa isaga oo aad u faraxsan waxa uu warbaahinta u sheegay sidan: “Ma Jiro cid iga guulaysan kartaa, ma jirto cid ii diidi karta abaal marinta aan ku helay kaalinta koowaad ee foolxumada dalkayga. Waxaan ahay ninka ugu fool xun dalka Zimbabwe waxaanan ku kalsoonahay in aan guul ka gaadhayo tartanka foolxumada adduunka haddii aan ka qayb galo oo ay ii fududaato oo aan la iga xaasidin ka qayb galkiisa”.
William Masvinu ayaa la siiyey abaal marin lacageed oo dhan $500 Dollar iyo Neef Sac ah oo ay bixiyeen ururka soo qaban qaabiya sannad walba tartankaasi isaga oo ay u dheer tahay oo kale hadyado kale oo abaal marin ah oo agab ah. Waxaana kaalinta labaad soo galay tartankan Musekiwa oo isagana la guddoonsiiyey $200 halka ninkii kaalinta saddexaad galay ee Maison Sere la guddoonsiiyey $100, kaasi oo ah ninkii isagu abaal marintan hore ugu guulaystay sannadkii 2015.
Intii aan tartankan sannadkan laga qaban magaalada Harare ee dalka Zimbabwe waxa jiray dhaleecayn iyo
Maison Sere
mucaaradad badan oo dhinaca shacabka tartanka kaga timid kuwaasi oo ku doodayay in aan William Masvinu laga qayb galin tartankan oo
fursad la siiyo dad badan oo kale oo doonayay in ay ka qayb galaan tartankaasi. Shacabka dalkaasi ayaa guddida qaban qaabada ee tartankan ka codsanayay in aan William Masvinu iyo ragga la mid ah ee hore tartankan uga qayb galay aan mar kale tartanka lagu soo darin si bay yidhaahdeen fursad loo siiyo dad badan oo kale oo ful xun kuwaasi oo ay fursad u noqon lahayd in ay ka qayb galaan tartankaasi.