“Israel Waa Dal Argagaxiso Ahna Dilaaga Carruurta , Ugama Hadhi Doono Magaalada Qudus Wadan Carruur Laays Ah …”Daawo Muuqalka Madaxweyne Erdogan Oo Hanjabay
December 11, 2017 - Written by Berbera Today
Ankara(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku tilmaamay dalka Israel
“Dal Argagaxiso” ahna “Dilaaga carruurta”xilli uu maanta ka hadlayay arrimaha Bariga Dhexe waxaana weli ka soconaya Daanta Galbeed,Qaza iyo Bariga Qudus isku dhacyo u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo yuhuuda.
Erdogan ayaa sheegay in wax walba oo ku qasbi kara Trump in uu ka noqdo go’aanka uu toddobaadkii hore gaadhay uu sameyn doono.
“Falastiiniyiinta waa dad laga gardaran yahay, Israel waa wadan argagaxiso haa,waa argagaxiso.”ayuu yidhi Erdogan. “Ugama hadhi doono magaalada Qudus wadan carruur laays ah.”ayuu sii raaciyay.