Akhriso Isku Aadka Koobka Kooxaha Yurub Ee Loo Yaqaano Champions League Wareeggiisa 16-ka La Sameeyey
December 12, 2017 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Isku Aadka Tartanka Champions League ee wareegga 16-ka ayaa lagu dhawaaqay halkaas oo ay isku beegmeen kooxo waaweyn.Real Madrid oo koobka haysata ayaa ku dhacday PSG oo lacag badan ku iibsatay ciyaartooyo uu ku jiro Neymar, Mbappe iyo xiddigo kale oo uu ka mid yahay Angel di Maria oo hore ugu ciyaari jiray Real Madrid.Chelsea oo sannadkii 2012 ku guuleysatay tartankan ayaa ku dhacday Barcelona oo ay kusii reebtay Semi finalka, kaddib markii Fernando Torres iyo Ramirez ay goolasha guusha u dhaliyeen Blues.