Dawlada Qadar Oo Saxeexday Heshiis Ay Ku Iibsanayso 24 Diyaaradood Oo Kuwa Dagaalka Ah
December 12, 2017 - Written by Berbera Today

Dha(Berberatoday.com)-Dowladda Qadar ayaa £6 bilyan oo gini ku iibsaneysa diyaaradaha dagaalka ee Eurofighter.Dowladda Britain ayaa sheegtay in kumannaan qof ay shaqo abuur u noqoneyso arrintaasi.Shirkadda BAE ayaa shaqaaleysiineysa 5,000 oo qof si ay u sameyso diyaaradaha ay dalbatay dowladda Qadar iyo qaar ka mid ah dowladaha Khaliijka ee uu khilaafka u dhexeeyo.Maamulka qadar ayaa loo sameynayaa illaa 24 diyaaradood, waxaana loo tababarayaa ciidamadii ku shaqeyn lahaa, illaa 2022-ka.Heshiiska waxaa magaalada Doxa ku saxiixay xoghayaha difaaca Britain, Gavin Williamson iyo dhiggiisa Qadar, Khalid bin Maxamed al Atiyah.Madaxa shirkadda BAE, Charles Woodburn, wuxuu sheegay in heshiiskan uu bilow u noqonayo xidhiidh dheer oo ay la yeeshaan militariga Qadar.Sameynta qalabka ciidamada ee shirkadda BAE ee dalalka Nato ayaa hoos u dhacay, balse weli waa shirkadda soo saarta qalabka militari iyo kuwa difaaca ee ugu qaalisan dunida, sida diyaaradaha difaaca ee Mareykanka ee loo yaqaano F-35.