Madaxda Sare Ee Xisbiga WADDANI Oo Aan Ka Qayb Geli Doonin Munaasibadda Caleemo-Saarka Iyo Dhaarinta Madaxweynaha La Doortay
December 12, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxda xisbiga Waddani ayaa la filayaa inaanay ka qayb geli doonin munaasibadda Arbacada beri lagu caleemo saarayo madaxweynaha la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi.

Inkatoo aanu xisbiga Waddani war rasmi ah ka soo saarin ka qayb galid la’aanta munaasibaddan, haddana warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijinaya inaanay madaxda sare ee xisbiga Waddani ka qayb geli doonin munaasibadaas uu xilka qaranka Somaliland ee shanta sannadood ee soo socda kula wareegayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.