Ururka Adkaynta Qarannimada Somaliland Oo Ka Digay Ururro Soomaaliya Laga Leeyahay Oo Dhalinyarada Somaliland Ku Waajahan
December 12, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ururka Adkaynta Qaranimada Somaliland ee magaciisa loo soo gaabiyo SPA ayaa ka digay ururro maalgalineed iyo kooxo kubadda ciyaara oo xoogga saaraya inay is dhex galaan dhalinyarada reer Somaliland iyo Soomaaliya si loo fududeeyo in aanay dhalinayarada Somaliland ka didin Soomaaliya.
Ururkan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa dhawaaq dheer kaga digay in loo feejignaado arrimaha la xidhiidha qaranimada, waxaana ugu horayntii halkaas ka hadlay xoghayaha ururkan SPA Siciid Cabdilaahi waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Waxa jira barnaamijyo lagu mijo xaabinaayo ama liddi ku ah qaranimada Somaliland kuwaas oo xambaarsan midnimo iyo isku mid ahaanshaa Soomaalida waxaana fulinaaya ururo gudaha Soomaaliya laga leeyahay, waxaanay mashaariicdaasi ay salka ku hayaan in la xoojiyo isku mid ahaanshii ka dhaxayn jiray Somaliland iyo Soomaaliya, iyaga oo ku soo dhex dhuumanaaya baahida dalka taala sida shaqo abuuris iyo ganacsi, dhalinyaradii reer Ustareeliya ahayd ee dalka timi ayaa ugu danbaysay kuwaas oo ujeeddadoodu ahayd inay ku soo ciyaaraan Soomaaliya oo ay soo maraan gobalada Soomaaliya oo dhan, Somaliland ayay yimaadeen oo Boorama iyo Hargaysaba magaca ay dalka ku joogaana waa Somaliya, cid kasta oo dalkeena imanaysaa waa inay ku timaado magaca Somaliland.”