Xukuumadda Oo RIYO Ku Tilmaantay Shir Ay Madax-dhaqameed Iyo Odayaal Taageersan WADDANI Kaga Dhawaaqeen Ceerigaabo
December 12, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa ka hadlay Hadallo ka soo yeedhay Qaar ka mid ah Madax-dhaqameed iyo Waxgarad reer Sanaag ah, kuwaasi oo horraantii Toddobaadkii tagay sheegay in aanay la shaqeyn doonin Xukuumadda uu soo dhisayo Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi.
Madax-dhaqameedka iyo Odayaashan oo Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Ceerigaabo, ayaa sheegay inay ka mid yihiin Taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ku dooday in Doorashadii Madaxooyada ee Dalka ka dhacday 13-kii November, 2017-ku aanay si sax ah u dhicin, sidaasi awgeed aanay diyaar u ahayn inay la shaqeeyaan Madaxweynaha cusub, sidoo kalena ay qabanayaan Shir ay sheegeen inay aayahooda kaga tashanayaan.