Fariin Caafimaad”Cudurka HIV/AIDS Calaamadaha Bilowga Ah Ee Lagu Garto Qofka Uu Hayo Iyo Siyaabaha Looga Digtoonaan Karo
December 14, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-AIDS ka oo ka mid ah cudurrada dilaaga ah ee ay aadamuhu weli u maaro la’ yihiin ayaa ah cudur xogta dadku ka hayaan aad u yar tahay, marka laga tago cabsi guud oo uu qofku cudurkan ka qabo isaga oo laga yaabo in aanu xog ka haynin sida uu ugu dhici karo ama isaga ilaalin karo.
Qormadan oo aynu ka soo xigannay barnamaijka caafimaadka ee shabakadda wararka Aljasiira waxa aynu ku eegaynaa waxa ay ku kala duwan yihiin HIV oo ay fayraska cudurka AIDS ka keena iyo cudurka AIDS laftiisa.