Deegaanada Ay Kasoo Kala Jeedaan Wasiirada Iyo Ku Xigeenada Uu Madaxwaynuhu Magacaabay
December 15, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxaa maanta Khamiistii si rasmiya madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Magacaabay Xubnaha Wasiirada iyo ku xigeenada xukuumadiisa cusub hadaba halkan ka akhri xubnaha la magacaabay iyo Haybtooda:
1.Dr. Sacad Cali Shire Wasiirka Arrimaha dibada = Habar Awal Ciise Muuse.2. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska = Dhulbahante3. Sh. khaliil C/llaahi Axmed, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta = Arab4. Shukri X. Ismaaciil Baandare, Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga = Habaryoonis.5.Boos Mire Maxamed, Wasiirka Dhalinyarada iyo ciyaaraha = Habaryoonis Muuse Ismaaciil.6.C/llaahi Abokor Cismaan, Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta waddooyinka = Habar Awal Ciise Muuse.7. Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Wasiirka Wasaarada Biyaha = Dhulbahante8. Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi, Wasiirka Xanaanada Xoolaha—Habar-jeclo,Biciide.