Daawo Muuqalka”Wasiir Ku-xigeennada Cusub Ee Qorshaynta Iyo Maaliyadda Oo Ka Hadlay Xilalka Loo Magacaabay
December 16, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka ee cusub Eng. Xuseen Ibraahim Buuni iyo Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Maxamed Daahir Axmed ayaa ka Mahad-celiyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Xilalka uu u Magacaabay.

Labadan Wasiir ku-xigeen oo Shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in Madaxweynaha cusub uu Xilal u igmado si ay Qaranka ugu adeegaan.